Haddii masiibo ama dagaal uu dhaco

Waxaad buug-yaraha "Haddii masiibo ama dagaal uu dhaco"" ka helaysaa talo ku saabsan sida aad isku diyaarin karto, iyo waxa aad samaynayso haddii masiibo ama dagaal uu dhaco.

Xaalada dunidu ayaa aad uga sii dartay, dagaalo ayaa dunideena ka socda iyadoo cimilada aad u xumi ay noqotay wax aad u caadi ah. Hanjabaada argagixiso, weerarka internetka iyo macluumaad jahawareerin ah ayaa la isticmaalayaa si la inoogu dhibo oo la inoo saameeyo. Iswiidhan ayaa xitaa ku biirtay gaashaanbuurta NATO. Sidaas darteed ayay MSB u soo saartay buug-yaraha "Haddii masiibo ama dagaal uu dhaco”. Si aynu khatarta uga hortagno, ayaynu u baahanahay inaynu isku duubnaano oo aynu masuuliyadda dalkeena qaadno. Haddii la ina soo weeraro waa inaynu dhamaan iska kaashanaa sidii loo difaaci lahaa Iswiidhan madax banaanideeda iyo dimuqraadiyadeeda. Iska caabinta ayaynu maalin kasta wada dhiseynaa. Waxaad qayb ka tahay diyaargarowga Iswiidhan.

Akhri buug-yaraha ”Haddii xaalad adag ama dagaalku uu dhaco” oo af Soomaali ah

Haddii aad rabto inaad wax badan ka ogaato waxa buug-yarahan ku qoran ayaa macluumaad dheeraad ah laga heli karaa halkan msb.se.

Bogga Ingiriisiga ah

Talo ku socota dadka rayidka ah (Iswidhishka)

Miyaan buug-yaraha af Soomaali ku dalban karaa?

Buug-yaraha oo af Soomaali ah ayaa dhijitaal ahaan uun lagula soo degi karaa.

Miyaad walwalsan tahay?

Waxaynu ku noolnahay wakhti ay hanjabaad jirto taas oo abuuri kara walaac iyo
kalsooni darro. Waxa kristinformation.se ku jira macluumaad la soo ururiyey oo Iswiidhish ku qoran oo loogu talagalay qofka walwalsan.

Taageero haddii walwal ah la qabo ayaa laga helaayo krisinformation.se

Go back to the top