Af soomaali
Macluumaad loogu talagalay afka Soomaaliga.
Waxaad buug-yaraha "Haddii masiibo ama dagaal uu dhaco"" ka helaysaa talo ku saabsan sida aad isku diyaarin karto, iyo waxa aad samaynayso haddii masiibo ama dagaal uu dhaco.
Waxaad halkan ka heleysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa ay tahay xubinnimadda NATO ay Iswiidhan ugu fadhido iyo waxa ay adiga kaaga dhigan tahay.
Waxaanu nahay ha'yad diyaargarowga qaabilsan oo dawladeed taas oo ka shaqeysa si ay bulshadu ugu noqon laheyd mid ka sii xoog badan, ka ammaan badan oo si ka fiican uga awood badan inay maareyso shilalka, masiibooyinka iyo dagaallada.
Farsamada dijitaalka waxaynu ka helnaa adeegyo maad iyo faa'iido leh oo nolol-maalmeedkeena daruuri u ah, hase ahaatee wuxuu naga dhigi karaa dad u nugul tusaale ahaan weerarro saybereed (cyber attacks) oo kharibaya nidaamyada IT-ga muhiimka ah ama khaa’inno doonaya inay macluumaadka adiga kuu gaarka ah gacanta ku dhigaan. Waxaad gacan ka geysan kartaa xoojinta awoodda Iswiidhan ee iska caabbinta adigoo macluumaadka u maareeya hab nabadda sugaya, guriga iyo shaqada labadaba.